isbadal

Munaasabada Maalinta Haweenka Aduunka 8-da Maarso oo Saraakiil ka tirsan AMISOM kaga qeyb galeen degmada Wardhiigley

Munaasabad lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee 8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Wardhiigley oo dhowaan loo bixiyay Warta Nabada, kaasoo ay kaga qeyb galeen, Gudoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, Haween fara badan iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM oo Ragg iyo Dumar isugu jiray.

Ururka Midnimada Dhalinyarada Soomaaliyed ee UYS ayaa si heer sare ah u soo qaban qaabiyay munaasabadan oo boqolaal haween oo ka socday degmooyinka Gobolka Banaadir ka qeyb galeen, iyadoo lagu soo bandhigay, Suugaan, gabayo, buraanbur iyo ciyaarta hidaha iyo dhaqanka.

Haween aad u qurux badnaa oo sitay dharka Calanka iyo hidaha dhaqanka ayaa goobta aad u camiray, iyadoo lulayay calamada, sidoo kale haweenka ayaa suugaano ku cabirayay maalintan qiimaha leh ee Haweenka aduunka.

Munaasabada ayaa waxaa suugaan ka hadleysya Haweenka iyo doorka ay ku leeyihiin nabada iyo horumarka bulshada ku furay Kooxda Fanaaniinta Iftin oo soo bandhigay heeso ka hadlayay kaalinta haweenka ku leeyihiin hogaanka bulshada.

 

Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley Deeqo C/qaadir Axmed ayaa ugu horeyn shacabkii ka qeyb qaadanayay munaasabada u gudbisay salaan iyo hambalyo ay kaga siday Gudoomiyaha UYS Ciise Xasan Diinax, iyadoo sheegtay in maanta oo kale tahay maalin ku weyn Haweenka.

“Maanta waa maalin ku weyn haweenka, waxay cadeyn u tahay in haweenka horseed ka yihiin Nabada, sida la socotaana wixii hada ka horeeyay haweenka waa la xaqiri jiray, maanta laakiin haweenka 30% ayay Baarlamaanka kuraas ka heleen, taasna waxay ku timid dadaalka”ayay tiri Deeqo C/qaadir Axmed.

Gudoomiyad Deeqo ayaa sheegtay in hada iyo wixii ka dambeeyay ay rajeynayaan in haweenka ay ragga la qeybsadaan xilalka, sida madaxtinimada inay qabtaan, iyadoo cadeysay in rajadaas ay ifafaalaheeda muuqato.

Waxaa ay uga mahadcelisay Ciidamada AMISOM saraakiishooda qaabilsan dhanka isku xirka bulshada iyo Ciidamada iyo haweenka sida ay uga soo qeyb galeen munaasabadan qiimaha leh.

Madaxa Arrimaha Bulshada ee isku xirka dadweynaha iyo Ciidamada AMISOM Captain Justice Rakundo oo dhowaan bedelay gabadhii qaabilsaneyd arrimaha bulshada ee AMISOM ugu qeybsaneyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in munaasabadan haweenka lagu xusay, isagoo xusay haweenka yihiin kuwa nabada ka qeyb qaata.

Captain Rakundo ayaa sheegay in AMISOM ay timid Soomaaliya sanadii 2007-dii, si ay Soomaaliya ay nabad iyo xasilooni ugu soo celiso, waxaana uu cadeeyay inay u suura gashay inay Muqdisho gacanta ku dhigaan, waxaana uu intaa ku daray in dhowaan rajeynayaan in Galgalato ilaa aaga dambe ee magaalada ilaa Afgooye Shabaab ka saaraan.

Waxaa uu sheegay in xoogga ay yihiin dumarka, la’aantooda aan waxba la qaban karin, isagoo xusay in Uganda iyo Soomaaliya yihiin walaalo.

“Halkan AMISOM waxay u timid Soomaali oo dhan, hal qof uma imaan, shaqadeena waa ilaalinta shacabka iyo hantidooda, qabiil gaar ah uma joogno, ma ahan wax aan ilaalineyo geedaha iyo beeraha, waa dadweynaha, in Al-Shabaab iyo Al-Qaacida la dagaalano”ayuu yiri Captain Rakundo.

Captain Rakundo ayaa sheegay in isaga xaaskiisa ay Soomaali tahay, dadaalka iyo howsha ay wadaana ay tahay mid si walaalnimo ku jirto, isagoo xusay inay Soomaali badan oo Uganda qarni ka hor yimaadeen, kuwaasoo xusay inay markoodii hore ay kaxeyn jireen Gaadiid, ayna ku guursadeen, haatana caruurtooda ay Uganda joogaan.

Sidoo kale waxaa ka hadashay Munaasabada Preta Ninsima oo ah Haweeney u qaabilsan Ciidamada AMISOM Arrimaha qoraalada iyo bulshada, waxaana ay sheegtay in aysan qiyaasi karin dareenkooda, waxaa ay xustay in aabaheed uu Soomaali yahay, ayna ku faraxsan tahay, walaalaheed ay soo dhex gasho.

“Aniga waxaa ku koray Uganda, dhamaantiin waxaa tihiin walaalahey, haweenka waxaa ugu baaqayaa inay is darajeeyaan, ayna is garab taagnaadaan, waxaa ku faraxsanahay dabaal dega 8-da Maarso, intiina waxaa ku jira qaar hooyooyin, waleesheyda iyo ayeeyo iigu aadan”ayay tiri Mrs Ninsima oo si cajiib leh uga qeyb qaadatay ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka

Sidoo kale waxaa ka hadlay Munaasabada xubnaha Gudiga Haweenka UYS oo bogaadiyay maalinta haweenka Aduunka, iyagoo soo gudbiyay halku dhiga maalintan inuu noqdo in haweenka aan qasab lagu guursan, sidoo kalena la is caawiyo.

Xaawo Kiin ayaa sheegtay in aysan diinta qabin in gabdhaha lagu qasbo guurka, sidoo kale waxaa ay tibaaxday in haweenka la kufsaday daryeel la siiyo, shaqooyin loo abuuro, si aanay u niyad dilmin.

Waxaa kaloo hadalo ka jeediyay Carfoon Wehliya Siyaad Faadmo Axmed Geedi oo ka mid ah Gudiga Haweenka, waxaana Luuql Warsame Guuled ka hadashay hal qarni iyo 12-guur ay ka soo wareegay maalinta haweenka aduunka markii la asteeyo, iyadoo cadeysay in haweenka Soomaaliyed ay 20-sano ka dib dhaceen haweenka Aduunka.

Abwaanad Caasha Warsame ayaa tix gabay oo ay uga hadleysay haweenka iyo horseedka nabada ka yihiin iyo xaalada Muqdisho ka jirta oo ay kula bar bar dhigeysay xilligii bari samaadkii iyo xilligan jeedisay, waxaana ay sheegtay in munaasabada ay ku soo aaday xilli haweenka 30% ay ka heleen in Baarlamaan ka mid noqdeen, waxaana laga maarmaan ay tilmaamtay in haweenka 60% la siiyo xilligan.

Ugu dambeyn waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Shingaani iyo Shibis oo ugu hambalyeeyay Munaasabada haweenka aduunka, gaar ahaan Gudoomiyaha degmada Warta Nabada Ex Wardhiigley oo ah haweeneyda kaliya ee 16-ka Gobolka Banaadir Gudoomiye ka ah.

497 Total Reads, 2 Daily Reads

Short URL: http://www.isbadal.com/?p=6144

Posted by on Mar 8 2012. Filed under SAWIRO, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | COPYRIGHT © 2011 All rights reserved www.isbadal.com. Designed by Galaxy Technology