isbadal

Dagaal Ciidamada dowlada iyo kuwa Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanio ka tirsan Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Dagaal geystay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa Al- Shabaab ku dhaxmaray deegaano ka tirsan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo Shabaab ay ku lahaayeen nawaaxiga degmada Xudur, waxaana labada dhinac dhaxmaray dagaal xooggan oo socday dhowr saacadood.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka uucyadiisa kala duwan, waxaana la soo warinyaa in qasaare xooggan loo geystay maleeshiyooyinii Al-shabab ee saldhigyada ku lahaa deegaano hoostaga degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Gudoomiyaha gobolka Bakool ee maamulka dowlada Federaalka Max’ed Cabdi Mayoow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 10-dagaalyahan oo ka tirsan xoogaga Al-shabaab ay ku dileen dagaalka kuwo kalena ay ku dhaawaceen, walow uu dhankooda sheegay inaysan jirin wax qasaare ah oo soo gaaray.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaan ka hadlin dagaalka maanta dhaxmaray ciidamadooda iyo kuwa dowlada, waxaana Shabaab la aaminsanyahay waqtigan in Al-shabaab gabalkooda uu si dhacaayo.

142 Total Reads, 1 Daily Reads

Short URL: http://www.isbadal.com/?p=12985

Posted by on Nov 30 2012. Filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Comments are closed

Search Archive

Search by Date
Search by Category
Search with Google

Photo Gallery

Log in | COPYRIGHT © 2011 All rights reserved www.isbadal.com. Designed by Galaxy Technology